Puntland Oo Joosiyey Isu Socda Gaadiidka Iskaga Kala Gooshi Jiray Somaliland Iyo Puntland + Waa Sidee Xaalada Deegaanka Tukaraq Ee Dagaalku Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Puntland. Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cumar Cabdillaahi Faraweyne ayaa soo saaray amar ka dhan ah gaadiidka u kala gooshi jiray degaanada Somaliland iyo Puntland.  Faraweyne oo caawa la hadlayey idaacad ku taalla Magaalada Garowe ayaa sheegay in laga bilaabo caawa saqda dhexe saacadu marka ay tahay 12:00 habeenimo la joojiyey gaadiidkii u kala gudbi jiray degaanada Somaliland iyo Puntland nooc walba oo ay yihiin illaa amar dambe.        Go’aankan ayuu sheegay inuu daba socdo weerarkii maanta ciidamada Somaliland ku qabsadeen degaanka Tukaraq iyo xiisada dagaal ee ka dhex aloosan labada maamul.           Faraweyne oo la weydiiyey saameynta uu amarkan ku yeelan karo ganacsiga labada dhinac ayaa yidhi “Ganacsiga waxaa ka horeysa in la helo nabad, mar walba oo xaaladu ay soo hagaagtana socodka gaadiidku waa isu fureynaa laakiin hadda xaalad dagaal baa jirta sidaas ayaan u joojinay.

IMG_BA231C-8442D1-50E985-2AE04C-363CA8-1B9EA8