Maamulka Puntland Oo Ciidamadii Ugu Tiradda Badnaa Soo Dhoobey Duleedka Degaanka Tukaraq, Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Buuxa Ku Jira Iyo Xiisada Oo Sii Kululaatay. Wararka Naga Soo Gaadhaya  gaadhaya magaalada garoowe oo xarun u ah xukumadda madaxweyne Cabdiwali gaas ee puntland ayaa sheegaya in magaaladaas laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo horleh iyo u diyaar garow guluf colaadeed.     Maamulka Xasarada badan ee puntland ayaa la sheegay in uu ciidamadii ugu badnaa kusoo daabulayo duleedka degaanka tukaraq oo maalintii shalay ciidamada qaranka somaliland la wareegeen gacan ku haynta degaankatukaraq oo kastam u aheyd maleeshiyaadka ciidamada puntland     Wararka dheeraadka ah ee laga helayo Tukaraq ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay uu ahaa mid kooban, haddana ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya dhibaatada iyo khasaaraha jira, laakiin xiisadan ayaa imanaysa iyadoo uu Garowe joogo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaanay Puntland u muuqataa inay daan-daansigan bilowday markii uu Farmaajo Garowe soo gaadhay, Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Puntland ujeedadeedu tahay sidii ay u samayn lahayd xaalad abuur.   Ciidmada Tirada Badan ee maamulka puntland soo dhoobtay duleedka galbeed ee degaanka tukaraq ayaa dhalin kara dagaalo khasaare ba’ani ka dhasho, waxaaney maamulka puntland isu diyaarineysaa sidii ay usoo ceshan laheyd gacan ku haynta degaanka tukaraq oo maalintii shalay ay ciidamada qaranka Somaliland lawareegeen.   Ugu danbeyn Ciidamada Qaranka Somaliland ee xuduudaha Sool iyo Sanaag, ayaa la geliyay heegan buuxa si looga hortago wararka sheegaya damaca uu Mr. Farmaajo ku doonayo inuu booqasho ku yimaado deegaanada Sanaag-bari iyo duulaan kasta oo kaga yimaada ciidamada maamulka puntland.

IMG_F814DC-468A88-B8A5D9-5B62D8-45ECD0-1B6226