Iyadoo Hore Ay Dirir Colaadeed Laba Beelood Ugu Dhexmartay Deegaanada Dogoble Iyo Dararweyne Ee Degmada Ceel-Af-Weyn Ayaa Waxa Maalintii Shalay Oo Khamiis Ahayd Hadana Dib Uga Qarxay Dagaal Sababay Khasaare Xoogan Oo Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Dagaalkaasi Oo U Dhexeeyey Laba Beelood Oo Wada Dega Deegaankaasi.

19732251_680657115466925_1254930656957919880_n
Dagaalkan Kasoo Cusboonaday Degmada Ceel-Af-Weyn Ee U Dhexeeya Beelaha Walaalaha Ah, Ayaa Waxa Ku Dhintay 7 (Todoba) Qof Halka Dhaawucuna Yahay 18 (Sideed Iyo Toban) Ruux Kuwaasi Oo Qaarkood Dhaawacoodu Culus Yahay Laguna Dabiibayo Magaalooyinka Ceel-Af-Weyn Iyo Ceerigaabo.
Ka Dib Markii Uu Dagaalkaasi Dhacay Saacada Kadib Waxa Goobtaasi Lagu Daabulay Islamarkaasina Gaadhey Ciidamada Qaranka Somaliland Kuwaasi Oo Isku Deyey Inay Damiyaan Dabkaasi Balse Nasiib Daro Kuma Ay Guulaysan Dagaalka Halkaasi Ka Oogmaya Ee U Dhexeeya Labadaasi Beelood, Waxaana Lasoo Sheegayaa In Weli Dagaalkii Uu Socdo Dhawaaqa Rasaasta Iyo Dhiilada Galawgana Laga Maqlayo Meelo Aad Uga Dheer, Iyadoo Weliba Ay Intaasi Sii Raacdo Hub Uruursi Iyo Dhoola Tusyo Ay Isu Muujinayaan Beelahaasi.
Dagaalkan Dib Ugasoo Cusboonaaday Deegaanka Dararweyne Ayaa Daba Socda Dirir Colaadeed Oo Hore U Dhex Martay Beelo Halkaasi Wada Dega Taasi Oo Ay Ku Nafwaayeen 13 (Saddex Iyo Toban) Ruux.
Geesta Kalana Xukuumadda Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaan iLaa Hada Ka Dareen Bixin Dagaalka Kasoo Cusboonaaday Deegaanka Dararweyne Oo Dad Badani Ay Ku Nafwaayeen, Marka Laga Reebo Xubno Wasiiro Ah Oo Hadalkooda Kusoo Koobay “Waanu Ka Xunahay Beelaha Ku Dagaalamaya Dararweyne” Taasi Oo U Muuqata Inaan Dan Iyo Muraad Laga Lahayn Dhiiga Qubanaya Iyo Dhalinta Ku Dhimanaysa, Waana Arrin Fadeexad Iyo Foolxumo Weyn Ku Ah Xukuumadda Talada Haysa Ee Wakhtigeedu Gabaabsiga Yahay, Waxaana Xukuumadda La Gudboonayd Inay Si Deg Dega U Gaadho Deegaanka Dirirtu Ka Dhacday Dhiiga Badanina Ku Daatay ,Kalana Dhex Gasho Beelaha Walaalaha Ah Ee Xurgufta Xanuunka Badani Soo Kala Gaadhey.

21-kii Bishii 9-aad Sannadkii 2016-kii Ayay Ahayd Markii 11 (Koob Iyo Toban) Go,aan Lagasoo Saaray Dagaal Beeleedka U Dhexeeya Beelaha Wada Dega Deegaanada Dararweye Iyo Dogoble Ee Degmada Ceel-Afweyn Kuwaasi Oo Ay Ka Mid Ahaayeen; NABADGELYADA, DAAQA, DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA, DEEGAAMAYNTA BACAHA, BIYAHA, DHIMASHADA IYO DHAAWACA IYO DHISMAYAASHA CEELKA DOGOBLE, Go,aamadaasi Oo Looga Danlahaa Si Loosoo Afjaro Dagaalada Daba Dheeraaday Ee Dhawrka Goor Ka Dhex Qarxay Beelahaasi Walaalaha Ah, Isla Markaana Ay Yihiin Go’aamadaasi Kuwo Xal Loo Arkay, Kadib Markii Ay Muddo Dhawr Todobaad Ah Halkaasi Fadhiyeen Xubno Ka Socday Xukuumadda, Madax-dhaqameed, Salaadiin, Xildhibaano Iyo Ergooyin Kala duwan.

Sidoo Kalana Waxa Halkaasi Ay Gudiga Xalinta Colaadaasi Kaga Dhawaaqeen Baaq Ay U Jeediyeen Labada Beelood Ee Dirirtu U Dhaxaysay Iyo Go’aamo Ay Xukuumadu Tallaabo Kaga Qaadayso Cid Kastoo Jebisa Qodobada La Is-la Qaatay.

Dhanka Kalana Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan C/laahi Saxaradiid (Caddaani) Ayaa Goobtaasi Ka Akhriyey Go,aamadaasi. Wasiir Caddaani Oo Ka Warbixiyey Ujeedada Go,aamadaasi Ayaa Shaaciyey Inay Reebanyihiin Sidashadda Hubka Sharci Daradda Ah, Mid Shaqsi, Mid Kooxeed Iyo Ciidan Beeleed Hubaysan. Waxaanu Sheegay Inay Mamnuuc Tahay In Hub Lalasoo Galo Meelaha Ay Dadku Wada Deganyihiin Sida Tuulooyinka Iyo Ceelasha Laga Cabayo, Isla Markaasina Aan La Ogolayn Qaadasha Hubka Culus Ee Uu Ugu Yar Yahay Qoriga Loo Yaqaano PKM.
Sidoo Kale Waxaa Go’aamadaasi Lagu Faray Odayaasha Iyo Waxgaradka Labadda Beelood In Ay Muddo 24 Saacadood Ah Ku Kala Diraan Ciidan Beeleedyadda Is-Hor Fadhiya.
Geesta Kale Waxaa Ka Mid Ahaa Qodobadda Go’aamadaasi In La Joojiyay Gebi Ahaanba Degaamaynta Dhul Daaqsimeedka Dadka Ka Dhexeeya, Kuwaasi Oo Sabab U Ahaa Dagaalada Sukeeye Ee Soo Noqnoqday Iyo Colaada Soo Afjarmi Weydey. Waxaana La Go,aamiyey In Ugu Dambayn 10-Ka Bisha 10-aad Ee Sannadka 2016-Ka In Gebi Ahaanba La Baabi,Iyo, Lana Aaso Wixii Dhisme Ka Jiray Degaanka Bacaha.
Waxaa Iyana Go’aamadaasi Ku Jiray Qodob Ahaa In Dawladdu Ay Bixin Doonto Wixii Hanti Rasmi Ah Ee Dagaaladaasi Ku Bur-buray, Iyadoo Marka La Soo Dhamaystiro Qiimayntaasi Xukuumaddu Ku Bixin Doonta Muddo 30 Maalmood Gudohood Ah. Waana Kuwan Hoos Ku Xusan Go,aamadii Kasoo Baxay Dagaal Beeleedkaasi.

Halkan Ka Akhriso 11-Kii Qodob Ee Xukuumaddu Ka Soo Saartay Dagaalka Ceel-Af-Weyn
………………………………………………………………………………………………………………
1) NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan .
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Kh- Ciidamada ilaalinta nabadgelyadu waxay awood sharci oo buuxda u leeyihin in ay ka hortagaan isla markaana ka qaadaan talaabada sharci ee ku haboon cidkasta oo samaysa falal ka dhan ah nabadgelyada
KH- Waxa la farayaa waxgaradka,odayaasha iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha (Cuqaasha) in ay kala diraan ciidan beeleedyada hubaysan 24 saacadood gudahood oo ka bilaabanta maaanta oo taariikhdu tahay 21/09/2016.
C- Ciidanka qaranka waxa la farayaa in ay dabagal iyo hubin ku sameeyaan dhaqangelinta iyo fulinta go,aanka kala dirista ciidan beeleedyada.
D- Shakhsiyaadka ama kooxda ka hortimaada kala dirista ciidan beeleedyadaas, fulin wayda qodobada go,aanka iyo awaamiirta ciidanka qaranka waxa loo aqoonsanayaa dambiile/dambiilayaal waxaana laga qaadayaa talaabo kasta oo ku haboon iyadoo la horgayn doono hayadaha sharciga.
2) DAAQA
B- Iyadoo la tixraacayo degreetada madaxwaynaha JSL, dhulka daaqa iyo deegaanka xoolaha lagu dhaqaa waa hanti qaran oo ay masuul ka tahay dawladu sidaas awgeed, lama kala laha, lamana kala sheegan karo,dhulkuna manaafacaadsigiisa waa loo siman yahay
T- Cidii ay ku cadaato inay cid kale ka sheegato dhul daaqsimeedka, waxa ciidanka iyo hayadaha amnigu u xilsaaran yihiin inay talaabo sharci oo ku haboon ka qaadaan.
3) DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA
B- Gebi ahaanba waxa la joojiyo deegaamaynta dhul daaqsimeedka dadka ka dhexeeya oo had iyo jeer sabab u noqda khilaafka bulshada deegaanka iyo colaadaha sokeeyo.
T- Lama deegaamayn karo guud ahaan dhulka xooluhu daaqaan ee aan loo haysan ogolaansho dawladeed oo sharci ah.
J- Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 21/09/16 waxa reeban in deegaamada dhul daaqsimeedka laga yagleelo magaalooyin, xidhmooyin, tuulooyin, ceshiimooyin, Baraago, IWM.
X- Maamulada gobolka Sanaag,Sool iyo maamulada degmooyinka Ceel-Afwayn, Garadag, Dararwayne, Awr Boogays iyo Xudun awood sharci uma laha ogalaashaha iyo bixinta degsiimooyin cusub oo laga yagleelayo dhul daaqsimeedka ilaa iyo inta sharci qeexayaa ka soo baxayo.
4) DEEGAAMAYNTA BACAHA:
Dawladu Iyado Ka Duulaysa:
Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta goobtaas
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen goobtaas
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In deegaanka Bacahu uu yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo, lana aaso dhamaan waxii dhisme ka jira deegaanka bacaha sida; godadka bacaha la geliyo ee biyaha, waabab,Buulal, xidhmooyin, IWM
J- Waxa reeban in goobtaas laga sameeyo wax berkado ah.
5) DEEGAAMAYNTA ISKU-KUFKA:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
Iyadoo laga hortagayo in aan deegaamada dhul daaqsimeedka laga samayn yagleel cusub.
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen
Dawlada JSL waxay go,aamisay;
B- In deegaanka isku-Kufka yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo dhismayaasha ka jira deegaanka Isku-Kufka
J- In aan laga samayn Karin berked biyood nooc kasta oo ay tahay marka laga reebo berkada kaliya ee imika ka jirta Isku-Kufka, taas oo hore loo ogolaaday.
6) DHISMAYAASHA CEELKA DOGOBLE:
Nabadu waa aasaaska wada noolaanshaha bulsho kasta . Dawlada JSL iyadoo;
Ka duulaysa Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta ceelka Dogoble
Ka duulaysa nabadaynta iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wadaaga baadka iyo biyaha deegaanka ceelka dogoble.
Ka duulaysa texgelinta iyo dhaqangelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dararwayne 1993kii oo qeexayay in aan la deegaamayn Karin ceelasha Duud-caraale
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In ugu danbayn 10 bisha tobnaad (10/10/2016) lagu baabiiyo dhamaan dhismayaasha ceelka Dogoble.
T- Waxa Reeban in dhismayaal iyo degsiimo laga sameeyo Ceelasha Duud Caraale go,aankan ka dib.
J- In dawladu bixiso magdhowga dhismayaasha rasmiga ah ee ka kooban daaraha, sandaqadaha iyo kuwa dhagaxa ah .
X- Qiimaynta hantidaas waxa Dawladu u saaraysaa Guddi farsamo oo madax banan oo aqoon u leh qiimaynta hantidaas.
KH- Marka ay soo baxdo qiimaynta hantidaasi, waxay Xukuumadu ku bixinaysaa magdhowga lacagta ah ee dhismayaashaas 30 cisho gudahood.
7) BIYAHA
B- Biyaha dabiiciga ah ee ceelasha iyo dooxooyinka lama kala laha, gaarna looma kala sheegan karo, si siman ayaana loo wada cabayaa dad iyo duunyo.
T- Ceelka Dogoble waxa masuul ka ah wasaarada biyaha oo keenaysa mishiino iyo shaqaale dhex u ah bulshada deegaankaas. Inta la keenayo mishiinka wasaarada waxa lagu cabayaa habka wadaanta ama mishiin ay ciidanka qaranku maamulaan. Waxaana ka reeban in lagu isticmaalo mishiin gaar loo leeyahay.
J-Wasaarada biyihu wxay ka dhisaysaa ceelasha dushooda taangi biyood sida ugu dhakhso badan.
X- Maadaama Ceelka Dogoble iyo ceelasha kale ee Duud Caraalle ku filan yihiin waraabka xoolaha, waxa la mamnuucay dib u qodista ceelka Dhuxulaalay gebi ahaantiis.
Kh- Hadiiba ay timaado baahi loo qabo qodista ceelka Dhuxulaalay oo ay bulshada deegaanku isku raacsan tahay waxa awooda bixinta iska leh dawlada dhexe ee JSL oo kaliya.
C- Waxa gebi ahaanba mamnuuc ah in degsiimooyin laga yagleelo ceelasha Duud caraale ee xoolaha laga waraabiyo dushooda.
😎 DHIMASHO IYO DHAAWAC
B- Dhamaan dadkii ku geeriyooday 2dii dhacdo ee kala dambeeyay oo ah 13 qof ( Saddex iyo Toban) waxa ka waajibtay mag.
T- Qadarka iyo qiimaha magta dadka dhintay waxa lagu kala qaadanayaa qofki 130 Halaad( Boqol iyo sodon Halaad)
J- Jifada magahaas waxa lagu kala qaadanayaa 40 Halaad oodhogor ah waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 30 cisho oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016.
X- Magwaynta kale waxa lagu kala qaadanayaa qiime dhan $400 ( Afar boqol oo dollar Hashii), waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 90 cisho kalliya oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016
KH- Waxii dhaawac dhexyaala beelaha walaalaha ah waxa lagu xalinayaa oo loo marayaa habka shareecada Islaamka, waxaana loo saarayaa Guddi culimo ah oo khibrad u leh muddo 90 Cishogudahood ah.
Kh- Magahaas hadii mudadaas kor ku sheegan lagu bixin waayo, Xukuumada awood u isticmaalaysa si ay ugu bargoyso.
9) FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
T- Dhamaan qodobada heshiiskan waxa fulintooda ka masuul ah dawlada JSL oo ay wakiil uga yihiin Ciidanka Nabadgelyada iyo wakiilada heer gobol iyo degmo oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ee deegaanka( cuqaal iyo Salaadiin).
10) WAQTIGA DHAQANGALKA GO,AANKAN
B- Go,aankani waxuu si rasmiya dhaqan gal u yahay marka la soo saaro nuqul ay ku saxeexan yihiin wasiirada xukuumada ee uu Madaxwaynaha JSL u soo igmaday arinta khilaafka Duud Caraale iyo deegaanka Ceel-Afwayn.
T- Laga bilaabo taariikhda go,aankani soo baxo waa dhaqan gal qodobadiisu, xogta nuxur ee u xambaarsan yahay iyo guud ahaan fulinta awaamiirta uu tilmaamayo.
11) SAXEEXA GO,AANKAN
Go,aamadaasi Waxa Si Wada Jira U Soo Saaray Oo Saxeexay Xubnaha Wasiirada Hoos Ku Tusan Oo Madaxwaynaha JSL U Igmaday Xalinta Arintaasi;
Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha Gudaha ——————————
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada ——————————-
Cusmaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani) Wasiirka Warfaafinta —————————–
Cali Saciid Raygal Wasiirka Dibu-Dejinta Iyo Dibu Dhiska ——————————
Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gadiidka Cirka —————————
Cabdirashiid Maxamuud Cali W. Dawlaha Xanaanada Xoolaha —————————
Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga —————————-

Hadabe Iyadoo Xaalku Sidaasi Yahay Lagana Soo Saaray Go,aamadaasi Adag Ayaa Waxaynu Wada Ogsoonahay In Dagaal Beeleed Aan Waxba Laysu Reebin Uu Dib Uga Qarxay Deegaanadii Hore Ay Dirirtu Ugu Dhexmartay Beelahaasi Wada Dega Iyadoo iLaa Hadana Xaalada Deegaanadaasi Meel Xaasaasiya Marayso. Waxaana Sabab U Ah Colaadaasi Soo Cusboonaatay Qodobo Dhawr Ah Oo Dhicisoobey Oo Ay Ku Fashilantay Islamarkaasina Ku Guul Daraysatay Xukuumadda Siilaanyo Kuwaasi Oo Aan Si Rasmiya U Dhaqan Gelin.

Maxaa Sabab U Ah Dagaal Beeleedka Dib Uga Qarxay Dararweyne??
…………………………………………………………………………………………..
Dagaalkan Soo Noqnoqday Ayaa Ah Miday Sabab U Tahay Go,aamo Ay Soo Saartay Xukuumaddu Balse Noqday Qaar Dhicisoobey Kuwaasi Oo Ay Kamid Yihiiin Qodobka Lixaad Farqadiisa 3-aad Kaasi Oo Ah:-
J- In Dawladu Bixiso Magdhowga Dhismayaasha Rasmiga Ah Ee Ka Kooban Daaraha, Sandaqadaha Iyo Kuwa Dhagaxa Ah. Hantidaasi Oo Ay Dhammaantood Dhulka La Sintay Xukuumaddu Balse Aanay Bixinin Amaba U Magdhabin Cidii Laga Burburiyey Daaraha Iyo Baraagaha Ka Dhisnaa Deegaanada Dogoble Iyo Bacaha, Dhismayaashaasi Oo Ay Kaga Baxday Hanti Aad U Badani, Waana Ta Keentay In Dagaal Kasoo Cusboonaado Deegaanadaasi Iyadoo Qola Waliba Xasuusan Hantidii Laga Burburiyey.
Sidookale Xukuumaddu Waxay Ku Guul Daraysatay Dhaqan Gelinta Qodobka 1-aad Ee Nabad Gelyada Farqadiisa 1-aad, 2-aad, 3aad Iyo 4-aad. Waxaanu U Dhacayaa Sidatan

1) NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan.
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Sida Xaga Sare Ku Xusan Qodobada T,J Iyo X Waxay Tilmaamayaan Inay Sharci Daro Ay Tahay In Hub Lalasoo Galo Tuulooyinka Iyo Qaadashada Hubka Culus Ee Uu Ugu Yaryahay Qoriga BKM.
Balse Taasi Waxay Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay Waxaana Xaqiiq Ah In Beelahaasi Aanay Marnaba Hubka Iska Dhigin Lanasoo Geli Jireen Tuulooyinka Iyo Ceelasha Laga Cabayo, Geesta Kalana Beelahaasi Ayaa Ahaa Qaar Haysta Hub Aad U Culus Sida Tignika La Saaray Baabuur Madaxa Sare Laga Jaray Iyo Qoryaha Noocoodu Yahay BKM IYo AK47. Qodobadaasi Oo Ah Kuwo Ay Xukuumaddu Ku Fashilantay Dhaqan-Gelintooda, Waana Ta Sababtay Dirirta Soo Laba Kaclaysay.
Geesta Kale Waxa Iyana Dagaalkaasi Dabada Ka Riixaya Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Kasoo Kala Jeeda Beelahaasi Kuwaasi Oo Goobta Maray Ka Hadleen Ku Dhawaaqayey “Dagaal Wiilbaa Ku Dhinta Ee Wiil Kuma Dhasho” Balse Ay Ka Ahayd Hadal Af-ka-Baarkiisa Ah, Taasina Waa Mid Dhabar Jab Ku Ah Guud Ahaanba Somaliland.
Xukuumadda Talada Haysa Ee Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Sidookale Ku Guul Daraysatay Qodobka Sagaalaad Farqadiisa B, Waana Kan Hoos Ku Xusan.
9) FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
Hadabe Waxaanu Muran Ka Taagnayn In Si Badheedh Ah Beelahaasi U Jebiyeen Dhaartii La Kala Dhex Dhigay Iyo Go,aamadii La Hordhigay, Mana Jiraan Wax Talaabo Ah Oo Ay iLaa Hada Ka Qaaday Xukuumaddu Iyadoo Hore U Shaacisay In Qolada Dhaarta Jebisa Ay Mutaysanayso Xadhig Loo Maray Sifaha Sharciga Iyo Ganaax Lacageed Oo Xadigeedu Yahay $20,000 Oo Lagu Qiimaynayo Dhumucda Dhacdadu Leegtahay.Go,aankaasina Wuxuu Noqday Mid Dhicisoobey Fashil Iyo Fadeexad Weyna Usoo Jiidey Xukuumadda Talada Haysa.

Gabagabadii Iyo Gunaanadkii Hadaynu Isku Dayno Su,aasha Ah:- “Ma Dawladdaa Diciif Ah Misa Dagaal Beeleedyadaa Daran” Waxay Noqonaysaa Jawaabtu Maadaama Oo Dawladdu Tahli Kariweydey Dabar-Goynta Dagaalkaasi, Dhawr Jeerna Ay Yihiin Colaaduhu Qaar Soo Noqnoqday, Go,aamada Xukuumaduna Dhiciisoobeen Oo Aanay Badankoodu Hirgelin, Waxaan Muran Ka Taagnayn In Dawladdu Aanay Awood Buuxda U Lahayn Dabar Goynta Dagaal Beeleedyada Iyo La Tiigsiga Sharciga Somaliland.
Somaliland-na Waa Dawlad Ku Dhisan Beelo Iyo Qabaa,il Xiliyada Dirirta Iyo Dagaaladu Ay Ka Dhex Dilaacaana Waxa Lagu Sabaa Maslaxaad Iyo Madax Salaax Mana Jirto Awood Ay Dawladu Ku Muquuriso Iyo Xukun Adag Oo Ay Ku Rido, Waana Ta Sabab U Ah In Go,aamada Laga Gaadho Dhibaatooyinkaasi Ay Dhicisoobaan.

DHAMMAAD.

MAXAMUUD MAXAMED TAAJIR (JEESTO)
EMAIL:-suxufujeesto12@gmail.com