Walee Buuxwajaloow,Been Maad Ka Sheegine, Boqoray Ka Wacan Tahay,Beel Daaja Weeyaan, Bilistii Haweenkiyo,Ragiiba Way Ka Badisoo

Walee Buuxwajaloow,Been Maad Ka Sheegine, Boqoray Ka Wacan Tahay,Beel Daaja Weeyaan, Bilistii Haweenkiyo,Ragiiba Way Ka Badisoo

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.

S.C.W.R.W.B.

SALAANTAAS ISLAAMKA KA DIB,WAXAN TU KHAASA AH U SOO

DIRAYAA,BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

DRS.ADNA ADAN ISMAIL ALOOW DAA.

BOGAADINTAADI BUUXOOW,IYO BEYDADKAAGII,

ADNA AAD KU BEEGTEED,BASAR UGU SIFAYSIYO,

DUCADAAD U BADISEE,BISHAN KHAYRKA BADANE,

RAMADAAN KU BAAQDAAN,ANA SOO BARAARUGAY.

WALEE BUUXWAJALOOW,BEEN MAAD KA SHEEGINE,

BOQORAY KA WACAN TAHAY,BEEL DAAJA WEEYAAN,

BILISTII HAWEENKIYO,RAGIIBA WAY KA BADISOO,

QARAN BILI BARWAAQIYO,BURJ BAY INOO TAHAY.

BARYADII HAWEENKAY BAYLAHDOODA AWDAA,

U BARYAYOO ILAAHAY,BELO KAGA XIJAABOO,

BUURAAN LA RIDI KARIN,BAAL DAHABA WEEYO,

ILAHABA KU BAASHIRAY,BAAHIDA DALKU UQABO.

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH