Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan wax ogeysiin ah ka helin maamulka canshuuraha dowlada Spain oo la xiriira inuu sameeyay qiyaano canshuur.

Xeer-ilaaliye jooga Madrid ayaa shalayto oo Talaado aheyd sheegay in Mourinho uu ku kacay labo jeer qiyaano canshuur sannadigii 2011 iyo 2012 markaasoo uu Mourinho tababare ka ahaa Real Madrid, waxaana uu sheegay in dacwada kiiskiisa haatan la gudbiyay.

Maamulka canshuuraha dowlada Spain ayaa sheegay inay Mourinho ku leeyihiin lacag canshuur ah oo gaareysa 3.3 milyan yuro, waxaana ay dacwadooda u gudbiyeen maxkamad maxali ah.

Laakiin Mourinho ayaa sheegay inuu canshuur ahaan u bixiyay in ka badan 26 milyan yuro mudadii uu Spain joogay, waxaana uu sheegay inaan lagu soo wargelinin kiis isaga ka dhan ah.

“Jose Mourinho wax ogeysiin ah oo la xiriira warka maanta la daabacay ma uusan helin” ayaa lagu yiri warbixin ay soo sareen qareenada Mourinho.

“Ilaa iyo waqtigaan midkoodna maamulka canshuuraha dowlada Spain ama xeer-ilaaliyaha ma uusan la soo xiriirin Jose Mourinho ama la taliyayaashiisa.”

La taliyayaasha tababaraha Man United ayaa sidoo kale daabacay dukumiinti ay sheegeen inuu cadeyn u yahay warbixin ka soo baxday maamulka canshuuraha dowlada Spain oo ku wargelineysa Mourinho inay ka heleen dhamaan dukumiintiyadii looga baahnaa islamarkaana uu canshuuraha si buuxda u bixiyay.

Eedeymaha ka dhanka ah Mourinho waxa ay daba socdaan eedeymihii loo soo jeediyay Cristiano Ronaldo taasoo keentay inuu ciyaaryahanka daaha ka qaado rabitaankiisa ah inuu ka tago Spain.