Fanaanada caanka ah Madonna ayaa si joogtaa h ugu guuri doonta magaalada Lisbon si ay uga caawiso wiilkeeda inuu gaaro riyadiisa kubada cagta, sida ay sheegayaan warar Spain ka soo baxaya.

David Banda oo 11 sanno jir ah ayaa durbaba ka dhex muuqda akadeemiga kooxda Benfica.

Jariirada AS ayaa qortay in Madonna ay diyaar u tahay inay si rasmi ah ugu guurto caasimada dalka Portugal.

David Banda ayaa ku soo bandhigay akadeemiga kooxda reer Lisbon inuu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kubada cagta.

Kooxda Benfica oo caan ku ah inay soo saarto da’ yar tayo sarre leh ayaa ka caawin doonta inuu horumar ka sameeyo ciyaartiisa.

Madonna ayaa soo bandhigtay inay gabi ahaanba taageere weyn u tahay hamiga wiilkeeda.

Bogeeda Instagram waxaa haatan ka buuxa sawiro ay joogto Lisbon, wiilkeeda oo xiran maaliyada Benfica iyo sawiro iyadoo dhex joogta garoonka caanka ee Benfica ee Estadio da Luz.

Banda ayaa asal ahaan ka soo jeeda Malawi, waxaana soo korsatay Madonna isagoo bilo jir ah sannadii 2006.

Fanaanada caanka ka ah dunida ayaa u kaxeysay wiilkeeda caasimada Portugal si uu tijaabo ugu maro kooxda ugu guulaha badan wadanka bishii hore.

Banda ayaa ku guuleystay tijaabada, waxaana uu haatan qaadayaa talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu ku noqon lahaa xiddig weyn.