Chelsea ayaa xiiseyneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski sida ay qortay jariirada The Sun oo soo xiganeysa hilinka Fox Sports.

Mustaqbalka weeraryahanka reer Poland ayaa shaki la geliyay ka dib markii uu wakiilkiisa shaaciyay sida uu ciyaaryahanka ugu niyadjabsan yahay Bayern xilli ciyaareedkan.

Hilinka Fox Sports ayaana sheegeysa in Blues ay ka fiirsan doonto inay saxiixiisa kula tartanto kooxda Real Madrid.

Tababare Antonio Conte ayaa suuqa ugu jira weeraryahan cusub ka dib markii uu go’aan ku gaaray inuu iska iibiyo weeraryahanka reer Spain Diego Costa.

Lewandowski oo 28 sanno jir ah ayaana ku haboonaan lahaa inuu noqdo bedelka Costa ee Stamford Bridge.

Weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund ayaa ah xiddig xujo ku ah daafacyada, waxaana uu sidoo kale miiska soo saaraa goolal badan.

Lewandowski oo xilli ciyaareedkii dhamaaday u dhaliyay Bayern Munich 43 gool tartamada oo dhan ayaa noqon kara xiddig ay Chelsea u dhaqaaqdo haddii ay ka meel keeni weyso saxiixyada Romelu Lukaku iyo Alvaro Morata.

Chelsea ayaa ka cagajiideysa inay bixiso lacagta 100ka milyan ginni ee ay Everton ku qiimeyneyso Lukaku, halka ay tartan adag kala kulmayaan Manchester United oo ku aadan saxiixa xiddiga Real Madrid Alvaro Morata.

Laakiin milkiilaha Blues Roman Abramovich ayaa ku qasbanaan doona inuu jeebka hoos gacanta u geliyo si uu uga dhaadhiciyo Bayern Munich inay iibiyaan gooldhaliyahooda.

nintchdbpict0003081987821-170x114