Sabo baad leh baan degi Sinka guud ka Sarena Biyo soo burqaayiyo

Sabo baad leh baan degi

Sinka guud ka Sarena

Biyo soo burqaayiyo

Dur dur saafiyaan heli

Sidigtiyo halaha dhalay

So’daasaan ku maali

Subixiina rayskaan

Ku Subcin quraanko

Salaadana ku oogi

cida igu saluugtaay

Sakhirbaa ku saarane

Yaan lagugu suuxin

Sabarkaa holcaaya

Salax dheer nin fuulay

Ninka sare u qaaday

Kaa dhinac ka saaciday

Ninka sii sagootiyay

Dadkan wada sugaaye

Xaqoodad sadqaysen

Saariqa ka raacden

nin walba sedkiisii

Hadii aan LA siinin

Wuxu soo ahaan jiray

Siraad baa ifaayee

ragii seef u jiidhay

Xaqaad sahashanaysan

Surumaday ka buuxan

Saanaday sugaayeen

inloo saaro sacabada

Wataa Soo sanqadhayse

Salaan kaad ku taagnayd

Inuu soo silaamo

Dadku kala saftano

Sawaariikhda culus iyo

Rasaas lays Ku sigayay

Saadashu sheegte

Saacadaha wax no qoran

Raba qalinka saare

Sidaa iyo sikaleba

Suuraysay aadmiguye

Rabiyaw sidii roon

Sabirkii shidaysnaa

Soof daran habawgii

Siraadki daguugna

Saacadihii adkaaye

Sifeheedu laalaa

Sawir lagu astayne

Safar dheer sidiisi

Ado saad ba waayay

oo soon ku raagay

Sabirbaa Gu’wayno

Salaad iyo tasbiixday

Saacidada Raxmaankuna

Sinka un Ku haysaa

Raga samir xumaadaw

Sawaxan kaa baxaayaa

Lagu kala sadqaadi

xaqii saarku jiidha

si yar loo haleeli

waxaan wada sugnaaba

Fadka Soo onkodaya

Saxan saxo u dgoon iyo

Caanohoo LA saydhiyo

Sixintoo carfaysoo

Dadku wada sinmaano

Cilmigun sareeyo

Cadawgana LA saajimo

lagu xidho sujuunada

hadu Saamax diido

Allow Siraadka toosan

Nagu sin Adaa oge