Arsenal ayaa guul muhiim ah Emirate Stadium kaga gaadhay kooxda heerka labaad u dhacday ee Sunderland oo kooxda Arsene Wenger waqti dheer niyahdjab wayn ku abuurtay laakiin Alexis Sanchez ayaa noqdya xalka Gunners wuxuuna kooxdiisa guushan ugu hogaamiyay laba gool isaga oo jabiyay iska caabin wayn oo ay Black Cats kala hortimid Arsenal.

Alexis Sanchez ayaa si cad u muujiyay in maamulka kooxdiisu ay ku qasban yihiin in ay u jabiyaan baanka si ay kooxda ugu hayn karaan. Ma daalaha ree Chile ayaa ka soo kabsatay dhawaac ku soo gaadhay isla kulankii uu wacdaraha ka dhigay ee Stoke City wuxuuna markale noqday xidiga Wenger culaysy.

Arsenal ayaa hal dhibic u soo jirsatay kaalinta afraad oo ay Liverpool ku jirto waxayna kulanka Everton ciyaari doontaa iyada oo u baahan in ay guulaysato si rajadeeda Champions Leaqueg-a sarre ugu soo qaado balse waxay sugi doontaa haddii Liverpool ama Man City ay u qaldami karaan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Arsenal (3-4-3): Cech; Holding, Mustafi, Monreal; Bellerin, Ramsey, Xhaka, Gibbs; Ozil, Giroud, Sanchez.

Kaydka:Gabriel, Ospina, Walcott, Iwobi, Welbeck, Coquelin, Elneny.

Sunderland (4-5-1): Pickford; Jones, Kone, O’Shea, Manquillo; Borini, Larsson, Cattermole, Ndong, Oviedo; Defoe.

Kaydka:Mannone, Rodwell, Lescott, Love, Gibson, Januzaj, Gooch.

Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ku qasbanayd in ay guulaysato haddii ay doonayso in ay sii wadato rajada ay wali kooxaha kale ugu xidhan tahay in ay dhibco lumiyaan ee ay ku doonayso in ay Champions Leaque-ga ugu soo baxdo.Inkasa oo uu kulankan muhiim u ahaa Arsenal ayay haddaba jamaahiirta Gunners guryahooda iska joogeen waxaana la arkayay garoonka Emirates Stadium oo si wayn banaan u ah.

Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo kaalinta shanaad ku jirtay isla markanaa doonaysay in ay Liverpool hal dhibic u soo jirsato ka hor kulamada maalinta premier Leaque-ga ugu danbaysa. Laakiin Sunderland ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo aan wax natiijo ah u tartamayn isla markaana hal kulan oo kaliya ka soo guulaystay Gunners 26 kii kulan ee ugu danbeeyay.

Laakiin haddana kooxda David Moyes ee Sunderland ayaa xaalada ku adkaysay Arsenal waxayna u diiday in sidii la filayay ay Gunners si sahlan ku qaadan karto saddexda dhibcood. Arsenal ayaa dadaal badan samaysay qaybtii hore ee kulankan laakiin waxay si buuxda ugu fashilantay in ay hal gool ku gaadho shabaqa Sunderland iyada oo goolhaye Pichford uu door wayn ku lahaa in Black Cats ay xaalada ku xumaysay Gunners.

Daqiiqadii 9 aad Alexis Sanchez ayaa fishay in uu dhaliyay goolka furitaanka kooxdiisa laakiin kubbada ayaa Giroud gacanta kaga sii dhacday taas oo keentay in goolka uu dhaliyay xidiga ree Chile uu noqon waayo gool sharci ah. Laakiin Sunderland ayaaba halis ku abuuraysay goolhaye Cech iyada oo Defoe uu ahaa xidiga fursada ugu fiican helay ee Petr Cech badbaadin wayn ku sababay.

Waxkasta oo qaybtii hore ee kulankan ka dhacay ayayna labada kooxood u suurtogalin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan waxayna ahayd niyadjab wayn oo ay Arsenal la kulantay. Waxaana la sugayay haddii Gunners ay qaybta danbe ee kulanan shaqadeeda qabsan doonto iyo haddii ay rajadeedu sii muuq beeli karto.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ee ay ciyaartu muddo socotay isla markaana uu Arsene Wenger arki waayay wax isbadal ah ayuu daqiiqadii 68 aad shaxdiisa ku sameeyay laba isbadal oo isku mar ah wuxuuna ciyaarta ka saaray Kieran Gibbs iyo Aaron Ramsey wuxuuna kaydka uga yeedhay Welbeck iyo Alex Iwobi si uu safka weerarkiisa ugu xoojiyo.

Arsenal ayaa ku raaxaysanaysay boqolkiiba 70% boosishanka ciyaarta laakiin waxay haddaba ku fashilmaysay in ay garato qaabkii ay ku dhaafi lahayd koox xili horeba horyaalka heerka labaad ugu dhacday natiijo xumo iyo goolal badan oo laga soo dhaliyay.

DAQIIQADII 72 AAD Ugu danbayn Arsenal ayaa jabisay iska caabintii Sunderland waxaana saamayntiisa la soo baxay Alexis Sanchez oo goolkan kooxdiisa kaga fujiyay cadaadis wayn oo dusha ka saarnaa laakiin Granit Xhaka aya kubbad layaableh u bixiyay Mesut Ozil kaas oo isna caawinta goolkanu sameeyay Sanchez waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 75 AAD Sanchez ayaa saddex daqiiqo gudahood ku dhalin gaadhay goolkiisa laabad laakiin markan birta goolka ayaa ka beenisay kubbad uu markii labaad shabaqa ku gaadhi lahaa oo uu dhaafsaday Pickford, wuxuuna goolka furitaanku Arsenal siiyay inay cadaadis la’aan ku shaqayso.

DAQIIQADII 81 AAD Alexis Sanchez ayaa dhulka dhigay kooxdii iska caawinta wayn Arsenal kala hortimid ee Sunderland kadib markii uu dhaliyay goolkiisa labaad ee uu sarre ugu soo qaaday kooxdiisa xaalada xun ku jirtay laakin waxaa nasiib xun ku lahaa in aanu goolkan dhaliyay Giroud kaas oo darbo uu shabaqa ku gaadhi lahaa uu badbaadiyay goolhaye Jordan Pickford balse waxay kubbadu doontay Sanchez si uu shabaqa markii labaad u gaadhsiiyo waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Gunners ciyaarta ku dishay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 23 aad ee uu Sanchez xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka Premier Leaque-ga wuxuuna hal gool u jiraa Romelu Lukaku oo tartanka kabta dahabka ah loogu jiro ku hogaaminaya 24 gool. Sanchez ayaa sidoo kale ku lug lahaa 33 gool oo ay Gunners horyaalka Premier Leaque-ga ka soo dhalisay wuxuuna sameeyay 10 gool caawineed.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Arsenal guul muhiim ah kaga gaadhay Sunderland oo mar u muuqatay in ay natijad xun ku abuurayso Arsenal, waxaana kooxda Arsene Wenger u baxay Alexis Sanchez si ay kaalinta afraad ugu soo jirsato hal dhibic.

Sponsored by Revcontent