(Rasamaalnews) Shirkada HECO Shan Boqol Oo Shilin Kumay Caawin Shacabka Abaarta Ku Shuf Beelay Ee Shanta Cisho Aan Dabka Shidan Shoodhkiina  Weli May Xalin

Bulshada Reer Burco Habeenadan May Gelin Guryahooga Mugdiga Iyo Madowga Jira Awgeed, Waxaanay Baadi Goob Ugu Jiraan Halka Ay Ku Dambaysey Shirkadii Laydhka Ee HECO Taasi Oo Mudooyinkan Dambe Aan La Arag Meel Uu Ka Baxayo iftiin Guud Ahaana Magaaladu Isugu Baxday Madow.

Magaalada Burco Ayaa Ah Mid Maal Mahan Noqotay Meherad Marba Laydhku Ka Tago Maqnaadana Mudo Dheer Taasi Oo Sababta In Gebi  Ahaanba Ay Is Taagto Shaqadii Ka Socotey Gudaha Magaaladu.

Xaafadaha Qaaar Laydhku Wuxu Ka Maqnaadaa Habeen Iyo Maalin Halka Qaarna Ay La’yihiin Muuqiisaba, Guryaha Qaarna Waxa Hubaal Ah  In Ay BIG BIGTA Laydhku Keento  SHOODH Taasi Oo Tababta In Guryahaasi Shuf Beelaan(Gubtaan).

Laydhka Ayaa Isna Ah Shayga Keliya Ee Lagama Maarmaanka Ah Mana Jiraan Wax SOLAR ah Oo Bulshadu Isticmaasho Inta Badana Laydhku waa Mid Fudaydiya Hawl Maalmeedkooda Shaqo Waxaana Loo Adeegsadaa Farsamooyin Dhowr Ah Sida:-Qaboojinta Biyaha, Dabaynta Moobilada, Cunto Karinta, Adeegsiga Internetka , Shidashada Guryaha Habeen Iyo Maalin IWM.

Noloshu Waa Mid Ku Dhisan Laydh Lamana Noolaan Karo La,aantii Waxaanu Bulshada Ugu Jiraa Kaalin Muhiim Ah.

Hadabe Magaalada Burco Waa Mid Laydhkeedu Ku Xidhan yahay Shaqsi Sida Uu Doona Yeela Waana Magaalo Marka Loo Fiirsado Ku Jirta Xaalad Xun Oo Laydh La,aaneed Isla Markaasina U Dhow In Dhowaan Ay Dhacdo In Laydhka Magaaladu Shaashada Ka Baxo Oo Toosh Lagu Gudo.

Shirkada Lagu Magacaabo HECO Waa Shirkad Ku Sheeg Aan Xalin Karin Shoodhka Ka Yimaada Laydhkooda Waa Dhiig Miirato Aan Danyarta waxba U Reebin Kana Dhamaysay Wixii Duunyo Ay Hayeen, Waxay Inta Badan Dulmi Xoogan Ku Haysaa Danyarta aan Awood U Lahayn Inay Iska Bixiyaan Lacagta Laydhka Waxaanay Kusoo Qortaa Laydh Aanay Isticmaalin Iyadoo Ugu Hanjabta Hadii Ay Bixin Waayaan Inay Ka Goosanayso Laydhka Taasi Oo Qasab Ku Ah Inay Bixiyaan Baada Ay Ka Gurato HECO Bulshada Reer Burco.

Muquurida Iyo Hanjabaada Ay HECO Ku Hayso Bulshada Reer Burco Ayaa Ah Mid Marba Marka ka Dambaysa Sare Usii Kacaysa  Taasi Oo Hada Maraysa In Qofkii Juuq Dhaha Amaba Shirkada Garaaca Ee Yidhaahda Laydhka Noosoo Daaya Ay Kaba Goostaan Iyagoo Awood Ku Muquurinaya Bulshada Baahan Maadaama Oo Uu Nin Keliyaata Ka Taliyo Magaalada Daminteeda Iyo Shidideedana Uu Gacanta Ku Hayo Kana Yeelo Hadba Sida Uu Jecel Yahay.

Shirkada HECO Halistay Doonto Shacabka Haku Haysee Lama Garanayo Halka Ay Ku Bixiso Lacagta Ay Ka Uruursato Danyarta Diifaysan Ee Duunyadii Ay Ka Dhamaysay ilaa Iminkana Lama Arag Wax Deeq Ah Oo Ay Gaadhsiisay  Dadka Abaaruhu Saameeyeen Ee  Haraadka Iyo Gaajada La Daalaadhacaya,

Iyadoo Shacabka Magaalada Burco Ay Ugasoo Xaroodaan Malaayin Doolar Hadana Kamay Qayb Qaadan Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Abaartu Halakaysey Ee U Dhimanaya Haraadka Iyo Macaluusha Kuna Leeday Gobolada Bariga Somaliland Iyo Hawdka Gobolka Tog-dheer Islamarkaasina U Baahan Gurmadka Deg Dega Ah.

Geesta Kale Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka yahay  Madaxweyne SIILAANYO Ayaa Ku Fashilantay Danaha Shacabka Iyo Shaqooyinka La Gudboonaa Inay Gacnta Ku Dhigaan Kuwaasi Oo Aanay Macquul Ahayn In Gaar Loo Lahaado Lagana Yeelo Sida Uu Jecel yahay Shakhsiga Shirkadaasi Leh Kana Dhigo Meherad  Marna Uu Furo Markuu Doonana Xidho, Waxay Kale Oo Xukuumada Siilaanyo Ku Guul Daraysatay Inay Amar Dawladeed Kusoo Rogto Kaasi Oo Ah In Shaqada Shirkadaasi Dheeli Ahaato Hadiikalese Awooda Lagala Wareego Mar Hadiiba Aanay Buuxin Karin Baahida Magaalada Burco Ee La Xidhiidha Dhinaca Laydhka.

Dawlada Somaliland Waa Mid Ku Dhisan Beelo Iyo Qabiil Taasi Ayaa Sababtay In Ninkastaaba Uu Layimaado Shaqooyin La Gudboonaa Dawlada Kadib Sida Uu Jecel yahayna Uu Ka Yeelo Marka Uu Ugaado In Uu Awood Buuxda Ku Leeyahay Shaqadaasi Cid kalana Aanay Ku Wehelin Taasina Waa Mid Wax Weyn U Dhimaysa Hanaankii Dawladnimo Ee Qarankani Lahaa  Waxaaana Dhowaan Dhicidoonta Haday Sidaas Kusii Socoto In Shacabku Uu Talada Dalka La Wareego Dawladii Iyo Maamulkiina Uu Meesha Kabaxo Maadaama Sansaanka Muuqdaa Uu Aad U Liito.

Iskusoo Wada Xooriyoo Shirkada Laydha Ee HECO Waxay U Dhowdahay Inay Dhowaan Meesha Ka Baxdo Albaabadana Loo Laabo Maadaama Oo Ay Maalmihii U Dambeeyay Ay Cilad Weyni Ku Timid Taasi Oo Sida Igu Maqaala Ah Uu Mashiinka Laydhka Maamulaa Fadhiisan Doono Mudo Yar Kadib Lamana Hayo Xal Kale Oo Aan Ahayn In Shirkadaasi Joojiso Shaqadii.

Magaalada Burco Ayaa Iyana Halis Weyn Ugu Jirta Laydh La,aan Soo Waajahda Iyo Cabsi Xoogan Oo Ay Ka Qabaan Shirkada Fadhiidka Noqotay Ee Ka Gacantaagatey Cilada Cusub Ee Markii Ugu Horaysey Ku Timid, Warar Kale Ayaa Sheegaya In Ganacsatada Ugu Tunka Weyn Magaalada Burco Ay Iska Aruurinayaan Lacago Kala Duwan Kuwaasi Oo Ku Maarayn Doona Dab La,aanta Fooda Kusoo Haysa Waxaanay Si Toos Ah Ugu Kuudh Gelayaan Sidii Ay Soolar Habeen Iyo Maalin ba Shidan U Heli Lahaayeen Si Ay Uga Maarmaan Laydhkan Maalmaha Maqnaanaya Iyo Shirkadan Laga Cabsida Qabo In Ay Albaabada Laabato.

W/Q:-Maxamuud Maxamed Taajir(JEESTO)
Email:-Suxufijeesto12@gmail.com
Www.Rasamaalnews.com
Burco-Somaliland:-Office