(Rasamaalnews) Gobolada  Bari Oo U Guntaday Inay Ka Go’aan Somaliland + God Daloolooyin Gaamuray Iyo Gurmad La,aanta Abaaraha + Guul Darada Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka yahay Siilaanyo!

Iyadoo Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Ay Xaalada Dalku Sii Xumaanayso  Ayaa Waxa Kasii Daraysa Abaarta Dad Iyo Duunyaba Halakaysay Ee Ka Jirta Gobolada Bariga Somaliland Taasi Oo Aan Waxba U Reebin Xoola Dhaqatadii Ku Noolayd Baadiyaha Bariga Somaliland.

Abaartan Saamaynta Weyn Ku yeelatay Somaliland Ayaa Ah Mid La Baxday Magacyo Badan Kuwaasi Oo Ah:- HADHAQAAQIN, IGU SAWIR, DAD IS BARAY ALLAA U MAQAN, REERYA XUN, MURUGO, WAX MACUNO, GEERI XUN, DELDELAAD, DEEQ MADHAN IYO WAAN U DIRAY,  Lamana Arag Abaar Noocan Oo Kala Ah Tan Iyo Mudadii Dheerayd Ee Ka Dambaysay Abaartii Daba-dheer  Taasi Oo ay Ka Horeeyeen Abaaro Caan Ka Noqday Geyiga Soomalidu Degto Sida JIITAMA Iyo JAAH WEYN.

Bulshada Ku Nool Deegaanada Bariga Somaliland Waa Qaar La Daalaa Dhacaya Silic Saxariir Iyo Sakaraad Kuwaasi Oo Aan Haysan Cid Daryeesha  Cid U Damqata Iyo Cid U Diir Naxda, Waa Qaar Dulman Oo Dul Mudhuxsan Mana Haystaan Dugsi  Iyo Dermo Ay Ku Seexdaan,  Xeryahooga Wax Duunyo Ah Kama Dareerto  Gebi Ahaana Way Madheen Xoolo Waxay Dhaqeen Ee Dhibta Dheer Ay Usoo  Mareen, Wax Ma Cunaan Mana Cabaan Xoolo Uma Hadhin Xaaladooduna Waa “CIDI UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA”

Hadabe Xukuumada  Siilaanyo Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Ayaa Noqotay Mid Ku Fashilantay U Gargaarida Dadka Tabaalaysan Ee Abaartu Ku Habsatay Iyadoo Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Ay Xaaladu Sii Xumaanayso Kanasii Darayso Taasi Oo ay Sii Kordhayso Dhimashada Dadku Halka Duunyo  Dhamaanteed Ay Jiciiratay(MADHATAY).

Waxay Bulshadu Baadi Goob Ugu Jirtaa Halka Lagu Bixiyo Iyo Cida Lasiiyo Caawimooyinka  Dalka Dibadiisa Ka Yimaada Ee Loogu Talo Galay Dadka Abaartu Ku Dhufatay Ee Aan Gargaarka Haysan,
Waxaana Layaab Iyo Amakaag Ah In Ay Jiraan Dhuuni Qaatayaal Dhabarka U Rita Deeqaha Lacageed Ee Dalka Dibadiisa Lagasoo Diro.

Iyadoo Horaantii Abaaraha Uu Madaxweyne Siilaanyo Gudi Gaara U Saaray Gargaarka Loo Fidinayo Dadka Duunyadu Ka Dhamaatay Ee Diifta Iyo Gaajada La daalaadhacaya Ayaa Noqday Qaar Xilkaasi Ku Guul Daraystay Kuwaasi Oo Lagusoo Oogayo In Ay Jidka Ku Fadhataystaan Deeqaha Loogu Talo Galay Dadkaasi Madhanaya Ee La il Daran Haraadka Iyo Hoy La,aanta .

Maah Maah Soomaliyeed Ayaa Tidhaahda:-“WADAAD DAD U EEKIBUU KUGU DILAA ABEESANA DHUL U EEKIBAY KUGU DISHAA” Abwaan Soomaliyeed Ayaa Isna Laga  Hayaa “Dad U Eekibuu Wadaad Kugu Dilaa Daalin Xoogsadaye, Abeesana Dhulkay Daadsantaan Laba Dareemayn” Waxan Uga Socdaa Amaba Uga Danleehay Iskuma Jiraane  In Gudi Ku Sheega Abaaruhu Yihiin Qaar Khamiis Iyo Gadh Weyn Ku Dhaca Umada Dushana Culimo Ka Ah Hoostana Ka Cuna Xoolaha Loogu Talo Galay Abaaraha Kuwaasi Oo Gebi Ahaanba Daanka Dhaafsada Cidii Ay Kala Wareegeena Gaadhsiiya War Aanay Waxba Ka Jirin Iyo Waanu Gaadhsiinay Oo Gabalkaa Noogu Dhacay.

Dhanka Kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland  SAM SAM  CABDI AADAN Ayaa Iyana Dhaawac Labaad , Dhabar Jab Iyo Dhirbaaxa Jin Ku Noqotay Gobolada Bariga Somaliland Oo Ah Halka Ugu Daran Ee Abaartu BIYO DHIGTAY Taasi Oo Uga Eexatay Gobolada Galbeed Oo Ay Kasoo Jeedo Dhalasho Ahaan.

Wasiir SAM SAM  Oo Dhegaha Ka Furaysatay  Dhibta Ka Jirta Gobolada Bari Ayaa Ah Mid Dheeli U Dhalan-dhoosha Deegaanada Galbeedka Una Qaybisa  Waxay Quutaan  Taasi Oo Ah Qabyaalad Qaawan Oo Aan Geed Loogusoo Gaban.

Ma Danayso Kamana Damqato Silica Iyo Saxariirka Ay Ku Jiraan Bulshada Ku Dhaqan Bariga Somaliland Umana Taqaano In Ay Dhankaasi Cidi Ka Xigto Balse Waa Mid Aaminsan In Bulshada Somaliland Ay Degto Hargeysa Iyo  Galbeed Wixii Ka Xiga  Oo Keliyaata Waxaanay Gobolada Kale U Aqoonsan Tahay Inay Yihiim Maamul Gaara Oo Ka Madax Banaan Somaliland!

Xaalku Si Kastaba Ha Ahaadee Dhawaaqa Dheer Ee Kasoo Yeedhaya Bulshada  Ku Dhaqan Deegaanada Bari Ayaa U Dhow Inay Dhamaantood Ka Dhalan Dhoolaan Somaliland Una Dheelmadaan Dhinacaas Iyo Somaliya Iyagoo U Aanaynaya  Dhibaatada Abaaraha Ee Daba Dheeraatay Ee Somaliland Dhegaha Ka Furaysatay  Iyo Gurmad La,aanta Abaaraha.

Lama Oga Xiliga Ay Si Toos Ah Ugu Dhawaaqayaan  Gobolada Bari Ka Goosashada Somaliand Iyo Halka Ay Uga Guuri Doonaan Geyigan Ay Ka Jirto Cadaalad Darada Cidhbaha Gaadhay Iyo Maamul Xumada Maare Loo Waayey.

 

W/Q:-Maxamuud Maxamed Taajir (JEESTO)
www.Rasamaalnews.com
Burco-Somaliland:-Office
Email:-Suxufijeesto12@gmail.com