Dalku Uma Baana Cid Ukala Abtirisa,Ee Wuxuu Rabaa Cid U Talisa,++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ Hordhac,Hogaamiyihii Taladiisa Lagu Hodmay

Madaxweynaha Dalka Rwanda Oo Ka Waramaya Qaabkii Qarankiisu Kaga Guuray Qabiilka Kuna Gaadhay Guusha Iyo Horumarka Balaadhan Waxa Yidhi,Go,aankii Iigu Dhibka Badna ,Waxuu Ahaa Markii Qabiilka Aan Kasoo Jeeda Ee,, Tuutsigu Soo Galeen Gudaha Magaalada Kiigaali Ee Caasimada Dalkaas,Iyaga Oo Doonaya Inay Ka Aar Goostaan,, Qoomiyada Kale Ee Huutiga Oo 5000 Kun Oo Qof Kaga Dilay,,Waxaan Qaatay Go,aan Adag Oo Hadii Aanan Qaadan Lahayn Rwanda Maanta Halkan AanayJoogteen,Ma Hawl Yaran Inaan Qanciyo Qabiilkayga Oo Ciil Iyo Cadho La Gaamuray, Waanay Adkayd Inaan Raali Kanoqdo Inay Aarsadaan,Waxaanu Yidhi,,

Hadii Aad Aar Gudataan Oo Intii La Idinka Dilay Dishaan Guul Gaadhi Maysaan,Oo Beri Ayaa Idinkana Laydinka Dilaya,Hadaad Samirtaan Oo Taladaydayda Qaadataan, Ruwanda Waxay Gaadhi Doonta Dal Dawlad Leh Oo Dadkiisu Is Cafiyay,Idinkana Taariikh Ayay Idiin Gelaysa,

Hadalkii Madaxweynaha Dalka Rwanda Way Qaateen Maanatana Dalkaasi Wuxuu Noqday Wadamada Ugu Dhaqaalaha Badan Qaarada Africa,Uguna Saamaynta Badan,Mudo Yarna Wuxuu Ahaa Qaran Dumay

Su,aasha Is Weydiinta Leh Waxay Tahay,Murashaxiinta U Tartamaaya Xisbiyada Dalkeenu,Maku Qancin Karayaan Go,aan Noocan Oo Kale Ah,Qaran Daayo Qoyskooda

Jawaabta Waa Dhankiina Caqligiina La Kaashada

Dadka Somaliland Waa Dad Fiican Oo Ku Niyadsan,Nabada Iyo Horumarka Ay Ku Naaloonayaan,Waxay U Baahan Yihiin Hogaamiye Dugsada Aqoon Iyo Aragti Dheer,Oo Hiigsi Ka Dhigta Inuu Dadka Isku Soo Dhoweeyo,Mideeyo Oo Tusa Inay Wada Noolaadaan

Hogaanka Wanaagsana Waxaa Lagu Ogaada Markuu Abuuro Rajo,Rajada Lagu Nool Yahay,Rajadaas Oo Ah Mid Dan U Ah Dalka Iyo Dadka Kunoolba,Hadaba Sadexda Xisbi Qaran Ee Ka Jira Dalka Xaqiiq Marka La Fiiriyo Ma,laha Barnaamij Ka Duwan Kuwii Ay Soo Bandhigeen Hogaamiyayaashi Xisbiyada Hore,

,Kuwaas Oo Ahaa Waxaanu Ka Shaqaynayna Oo Aanu Horumarinayna,Waxbarashada Caafimaadka Biyaha Adeegayada Arimaha Bushada,Waana Lagu Doortay,Balse Waxaa Hubaal Ah, Inaanay Bulshada Somaliland Weli Gaadhin Hiigsigii Iyo Himiadii Ay Lahaayeen,Taas Oo Ahayd Inay Noqdaan Dal Isku Filan Oo Isku Tashada,Aduunyadana Ka Hanti Aqoonsi Caalimiya,

Wakhtigan La Joogo Waxaa Fiicnaa Lahayd Inay Madaxda Xisbiyadeenu La Yimaadaan Barnaamijyo Iyo Aragtiyo Kale Oo Ay Ku Bedelaan Siyaasada Xisbiyada Ee Ah,Intanbaanu Qabandoona,Waa Isla Waxbarashada Caafimaadka Biyaha Adeegayada Arimaha Bushada,

Waxaa Kala Fog Maanka Xisbiyada Aynu Samaysanay,Iyo Baahida Shacabka Oo Ah Midaan Laga Jibo Keenin, Mudo Ku Siman Rubuc Qarni,,, Waxaana Cadaatay Odhaahdii Caan Baxday Ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,Oo Ahayd Waxaad Tihiin Dad Sidii La Doono Laga Yeelo,Anigase Maaha Ka Idin Dulaynaaya Ee Waa Kuwa Iga Danbeeya.,Run Ahaantii Maanta Ayay Taagan Tahay,WADDANI KULMIYE Iyo UCID,Inamay Dulayn Ee Waxaa Ina Duleeyay Hogaamiyayaasha Aan Laga Fiirsan,Ee Ku Dhisan(Kurisga Qoyska Aan Ahayn Ha Qabsado)

By Abdi Rahmaan Tiriike