Waxan salaamaya bulsha weynta islaamka meel kasto ay ku noshahay  salan ka bacdi maqaalkan kooban oo ah mid ka hadlaya  dadka iyo dalkuba waxay ubahan yihiin cadalada  waxan uga gol leeyahay ama ay ujeedadiisu tahay in shacabka somaliyeed oo dhani ay ku tashadaan  maamulka talada u haya iyo hadba hanaanka uu ula dhaqmo iyagoo bulshadaasi intooda badan iskaga dul qaata faragalinta lagu hayo hawlahooda asaasiga ah

DSC_0437

Hadaan usoo dhaa dhaco muhiimada guud ee maqaalkaygu waa mid aan di’yiirada ku saari doono xadhiga loo haysto sama fale abdimalik muuse coldoon hadaba fikirkaga aan ka qabo xukunka aan iibka la’hayn ee ay ku riday xukumada uuu hogaanka u hayo madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilanyo kasi oo ah midd looga gal leyahay awooda ay xukumadu leedahay

Ujeedada xadhigaasi waa mid laba qaybood uqaybsama guud ahaanba  taasi oo lagag dan leeyahay cadaadiska la saarayo samafale abdimalik muuse coldoon

Hadaba waa kuma abdimalik muuse coldoon?

Waa jawaab aan la is bari doonin misana aan la iska dhaadhicin Karin iyadoo guud ahaanba bulshadu ogtahay isla markaana maalmihi udanbeyay ay baraha bulshadu ku kulanto looga hadal hayay xadhia loo gaystay abdimalik muuse coldoon isla markaana lagu kala waydaarsanayay fikrado kala duwan

Ila eeg hadaba fikirka aan ka qabo xadhiga samafale abdimalik muuse coldoon

Badana siyaasad aduunka lagaga dhaqmo ayaa ah mid dhuun qabad ku ah in shaqsiga kartida iyo dedaalka,dardarta bulshada lasoo gala uu marba xukumada ku noqonayo dhuun laf gashay  noqonaysana mid luminaysa kalsoonidii ay shacabku ka hayteen xukumadooda tagta daran   taagerka uu shaqsiaasi mu taysto ayaa ah mid guud ahaanba ay bulshadaasi jeclaanayso isla markaana gab istaagayso

Wadada ay xukumadu qofka is kaga leexinayso ayaa ah mid ay guud ahaanba shaqsiaasi ka dhigi lahayd hawlgab isla markaana ku ogaysa danbiyo,falal,iyo hadba iyaga oo ku eedeeya inuu sharciga ka talabsaday

Hadaba ujeedada aan uga gol leeyahayc ayaa ah in xukumadu markay argtay inuu ugu jiro boos ayna xukumadu ugu jiri Karin shaqsiyaadka tagta daran  abdimalik muse coldoon kusoo ogtay kiisas aan saamayn weyn la’hayn kasi oo ah inuu guud ahaanba kazoo horjestay qadiyada Somaliland

Xukumadu waxay  waqti badan u lumisay sidii ay danbiyo ugu heli lahayeen hadana kiiska ay ku tilmameen waa mid aan ahayn mid wata faldanbiyeed khaldan

Waxa jira shaqsiyad badan oo iskugu jira aqoonyahayno ,odayaal,masuliyiin,caaqilo, aaminsan fikirka Somali weyn muddo 30 sano iyo dheerad hadana inta badan u kala goosha xamar iyo hargysa xukumaduna ay si weyn uga war hayso  intaana la socota  fikirka ka dhaadhacsan

Taasina waxan u arkaa in marna aanay xukumadu awood ulahayn in shaqsiyadka qaar ay danbigooda ku qaado laakin ha moogan in  cadaaladu awood uleedahay in shaqsi kasta kiiskisa lagu qado

Odayaasha waxgaradka aqoonyahanada waa mid ay dhamaantod waqtigooda ku lumiyaan in ay shaqsi shaqsi u aflagadeyan xukumad iyo cida talada haysa misana ay si xeeldheer ugu tilmamaan  inay yihiin hmasiibo dalka lo soo diray una adeegaya shaqsiyaad shisheeya

Maaha weedho abdimalik muuse coldoon xabsi loo geeyo misana xukun cadaadis wata loo saaro

Dalku waxaa haga odayaal dhaqmeed,aqoon yahano, culumo,dhalin yaro,waayel, iyo caruur  dhamaan iskugu jira rag iyo dumar  waxayna si isku mid ah xukumada uu talada u hayo madaxweyne axmed maxamed  maxamud (siilanyo) u’direen in cafis loo fidiyo samafale abdimalik muse coldoon hadana taasi may suurtobin waxana cad in  xukumado aanay talo iyo tusmo toona uga baahnayn shacabkeda  ay markasta garabka uga baahnayd waana nasiib daro weyn  la odhan karro inay xukumadu ku fashilantahay  hogaaminta shacabkeeda

Hadaanu naha dhalinyarada  Somaliyeed gaar ahaan dhalinyarada reer Somaliland waxaanu markasta ka xunahay  xadhiga sharci darada  ee lagula kacay   abdimalik muuse coldoon

Qore/suxufi : maxamed maxamud jama (m. ukun)

Email: maxamedkarim463@gmail.com