Cusbitaalka guud ee magalada burco oo maraya abid halkii ugu xumayd! Kadib markii laga waayey adeegii bulshada iyo daryeel la’aan ka taagan, isaga oo dadkii bukaanka ahaa daryeel la’aan la jifaan, Halka qaar kamidaana ay ka biya diideen sii joogitaankiisa.¬¬¬ Xaalada had ka taagan cusbtaalka ayaa ah mid maamul xumo iyo isdabawareeg ah iyo miihanaw udhaxeeya maamulka cusbtaalka iyo bukaanaka. Sida ogtihiina waxaa jra dad dan-yar ah oo aan awoodin tagitaanka cusbtaalada gaarka loo leeyahay ay san awoodin kharashaadka kaga baxaya cubitaalada kale, kuwaas oo ku soo eerta cubitaalka guud ee magalada burco. Iyadoo oo lagu jiro waqti waayihiisa iyo duruufihiisa wata oo dadku aad urafaad sanyahay oo ay jiraan abaaro xanuuno iyo sicir’barar aad ubaahsan,Waqtigan oo ku haboona in bulshada loo qabto adeegyadooda bulsho. Cusbitaalka ayaa hada sida muuqata ah mid dubu socod ah, una eeg mid xero gaal ah oo laga guuray, iyada oo shaqalahii cafimaad ee cusbtaalku uu lahaa ay ukala dareereen dano shakhsi iyo cusbitaalada gaarka loo leeyahay. Si guud waxaan baaq ugu soo jeedinayanaa cida ay khusayso iyo cid kastoo ka damqanaysa arimaha gobalka iyo bulshada ba , in si degdeg ah loo bad’baadiyo cusbtaalka lana soo celiyo haybadi iyo karaamadii uu lahaa cusbitaalku. MUUSE ABYAN ABYAN435@GMAIL.COM 063-4353469