Waxaa sii xumaanaya xariirka u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Crabata, waxa ayna arintaasi keentay in Safriikii Dowlada Imaaraatka u fadhiyay magaalada Muqdisho si deg deg ah looga yeeray dalkiisa kuna laabtay.

 

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa ka carootay go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya uga soo horjeesatay in saldhiga Milatari ay ka dhigato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa ayna horey saldhigaasi ugala heshiisay Xukuumada Somaliland.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in madaxda dalkaasi kala hadlay sidii loo faragalin lahaa qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig milatari uga dhisato Garoonka Diyaaradaha Berbera.

 

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in si deg deg ah uguyeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, waxa uuna safiirka ku laabtay magaalada Abuu Dubai.

 

Amarkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu shegay in uu safiirka ugu laabtay dalkiisa, Safiirka ayaana la filayaa in uu warbixin siiyo Wasaarada Arimaha Dibada .

 

Dowlada Cusub ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo farmaajo ayaa u muuqata mid lasoo baxday dhaqanidii daaquudkii adeerkii ahaa ee mahamed siyaad bare aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta saldhiga uga dhiganeyso magaalada Berbera, waxa ayna Madaxda dowlada sheegeen in Somaliland ay tahay dhul Soomaaliya kamid ah .

 

Xariirka Dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaarataka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, Dowlada Imaaraatka oo taageero badan iyo maalgalin siisa Dowlada Somaliland ayaa waxuu cuqdad iyo xasid Ku abuurey dawlada cusub EE farmaajo.

 

Dowlada Imaaraatka ayaa heshiis kula gashay Xukuumada Somaliland in saldhig ciidan ka dhigato Garoonka Diyaardaha magaalada Berbera, waxaana heshiiskaasi Somaliland ku heleysaa dhaqaale badan iyo in beesha caalamka soo jiidato.

 

Abdikadir Mohamed ibrahim