Nasiibki haduu lumo lama lado,sidaa darted xalay taageerayaasha kooxda kubadda cagta Arsenal uma aheyn farxad wacan iyadoo laga soo reebay kooxdoodii guud ahaan tartanka, cadiyan Arsenal oo baadigoob xoogan ugu jirtay sidii ay uga soo kaban lahayad guuldaradii xoganayed ee lugta hore kasoo gaartay Bayer ayaa soo bandhigtay ciyaar dhiiranaan kujirtay waxaa kadib weerero is xigay u suura gashay in ay  hogaanka ciyaarta la wareegaan daqiiqadi 20 waxana gool  quruxbadbaa  u dhaliyay Theo Walcott, waxaana qeybta hore lagu kala anstay 1-0.

Arsenal ayaa garoonka kusoo laabatay iyado baadigoob ugu jirta 4 gool, waxaase xaalka ku xumeeyay daafacooda Laurent Koscielny oo qalad uu ku galay Robert Lewandowski ku muteystay Roose iyo Rigooro laga dhigo kooxdiisa waxaana daqiiqadi 55 gool u badalay Robert Lewandowski.

Arjen Roben ayaa kubad uusan ku dhibtoon isagooku sugan gudaha diilinta 18 si cajiib ah lugta bidix ugu dhaliyay daqiiqadi 68, waxana laba gool oo cajiib ah raacsaday Douglas Costa oo kubad weerar celis ah ka dhaliyay iyo Arturo Vidal goolhaye Ospina ka dulqaaday kubad ay qaladkeeda laheeyeen Arsenal.

Arturo Vidal ayaa goolkii shanaad uu shubay Arsenal kaasoo ahaa goolki labad ee kulanka ka dhaliyo waxaan aku caawiyay Douglas Costa.

Si kasta Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 15-5 taasoo ka dhigan isu eyn 2-10 o ay Bayer Munich ugu soo gudubtay wareega sideeda.