http://images.performgroup.com/di/library/omnisport/4d/ee/

Manchester City ayaa u baahan inay adkaato 12 kulan oo xiriir ah waa hadii ay doonayso inay latartanto kooxda Chelsea, Pep Guardiola ayaa yiri.

Pep Guardiola ayaa halmar kabadan wuxuu sheegay inay difaacan doonaan horyaalka Premier League tilmaamayna inay latartami doonaan kooxda Chelsea.

City maamulaheeda ayaa ku fakaraayo inay difaacdaan horyaalka, sido kale hada waxa ay ilaashanayaan ama ayku dadaalayaan labo koob oo kala ah FA Cup iyo Champions League.

Laakiin Guardiola ayaa ka xanaaqay ciyaaryahanadiisa kuwa soo hogaanka aanan qaban muddo dhowr bilood ah, xaalada xabsida iyo walbahaarka badan ee uu ku suganyahan macalinkaan guusha caadaystay ma ahan mid ku qanacsan.

City ayaa fadhisa kaalinta sadaxaad tasoo kulan baaqi uu u yahay, sido kale sideed dhibcood ayay ka danbaysaa kooxda lagu magacaabo Chelsea oo hogaanka u hayso horyaalka.

“Waxaan dareemayaa sida aan u ciyaaro inay tahay si fiican, waa sababta aan u helleyno natiijooyinka.

“Laakiinse haatan, dabcan, waxaan ku jirnaa boos marka aad timaado ay qasab tahay inaad badiso si aad u sii joogto, haddii aad lumiso kulan kamid ah kulamadaada, waxaad ka maqnaanaysaa kaalinta aad joogtid. Ayuu ugu danbayn yiri macalinkaan reer Spain.

guardiola-cropped_1l5qjde0eumaj1p6vied3igr8z-100x75