Wararka la xiriira horyaalka Premier League, tababare Massimiliano Allegri ayaa ka Hadlay sheekooyinkaas isagoona biyo qaboow ku shubay wararkaas

Maamulaha kooxda Juventus ayaa ku adkeystay inuu sii joogi doono horyaalka dalka Talyaaniga ee searia A iyo kooxdiisa Juventus.

Juventus maamuleheeda Massimiliano Allegri ayaa ku adkeystay inuu sii joogi doono Horyaalka Seria A iyo kooxda Juvents waxa uuna cadeeyey inuusan meel uga soconin Searia A.

Talyaanigaan ayaa lala xiriirinayaa in uu u dhaqaaqo Premier League sanada soo Socota ayadoo lagu xamanaayo in uu qaban doono shaqada kooxda Arsenal oo uu Badali doono Tababaraha da’du eey hareeysay ee Arsene Wenger

Wenger ayaa shaqada kooxdaan haayay tan iyo sanadkii 1996 oo shaqada qabtay.