Marka Koowaad Ilaahbaa Mahad leh, Rabbina Abaarta ha inooga gargaaro ilaahbaa Ummada waraabin kara Deeqsina ah.
.
Marka Labaad Waxaan Doonayaa inaan Wax kayara Iftiimiyo dhaqamo aan ku arkay kuna Cusub Xisbiga Kulmiye iyo Guud ahaan Siyaasada Dalka Lagu Maamulo.
.
Haddii aan Dulucda Qoraalkayga Guda Galo, Waxaan Aad ula Yaabay in Xisbiga Talada Dalka hayaa Dhaqan ahaan uu ka Duwanyhay Xisbiyada kale Ee Qaranka,Maadaama Uu kala jeclaystay Muwaadiiniinta Reer Somaliland Ee Xisbiga Kuwada Jira Taageradana U haya.
.
Mararka Qaar Waxaad Arkaysaa ama aan usoo joognay Masuul ka tirsan xisbiga oo Masuulka kale oo isla xisbiga ka tirsan Duulaan ku ah Jagadiisa Xil ee uu ka hayo Xisbiga, ama Waxaaba Tusaale inoogu Filan Waxaad arkaysaa ama maqlaysaa Hebel waxaa loo magacaabayaa boooska halkaa iyo halkaa Maadaama ay Beeshiisu soo Xero gashay oo Xisbiga Taageero u noqotay.
.
Run ahaantii waa dhaqan ugub ah oo aan siyaasada iyo dadnimada midna ufiicnayn Wiiqitaan dhanka taageerada ahna sababi karta oo Ku Timaada Xisbil Xaakimka.
.
Dhaqankan ku Cusub Xisbiga Ayaa ah mid aan hore looga baran oo aad Moodid inay Tahay Kulmiye kulmiye iska Riixaya jarkana ka Tuuraya.
.
Wanjalaada iyo iska dabashaqaynta Masuuliyiinta Xisbiga ayaa Mudooyinkii u dambeeyay ahayd dhaqamada cusub, Taageerayaasha iyo aqoonyahanka xisbiga ayaa taasi ula muuqataa inaanay ahayn mid uu kusii socon karo Xisga kulmiye Muddana kusii jiri karo siyaasada Dalka Hogaankana ku sii ahaan karo.
.
Runtii Qoraalkan kooban waxaan ula jeedaa inaan Muujiyo inaan lexjeclo ka qabo Xisbiga Kulmiye.
.
Ugu Dambayntii Waxaan Qoraalkaugan kusoo Koobayaa Waxaaba ii muuqata in Xisbigu Dhexdiisu ay jirto Mucaaradnimo intaan la isla gaadhin Mucaarad xisbi kale ama baratan balse uu xisbigu la ciirciirayo is wanjalaad iyo Qar iska Tuur.

.
Waad Mahadsantihiin
Eng Shafi Mahmoud Sabri
Togdheer-Somaliland.

13690712_1168912466507738_5169096455137849853_n