Muniir waxa mabda ka dhigtay xasaradda, xeerjajabka iyo dhinac u janjeedhka gurracan taas oo dhabbada sugan ka leexisay markii uu hargaysa soo degay . TVGA qaranka waxaa sabab uahaa in laga caydhiyo waxaa uu saboolka noqday hibooyin qurxiya hawshiisa, sida aftahamada iyo farshaxanimada. Muniir waxaa loo maal geliyay warbaahin wargays iyo website taas oo aan ka soo jeedin ummadda iyo waayaheeda balse abaarteedu tahay in ay cidna ushaqayso cidna ka shaqayso Masuuliyiin maalintaas qaranka usoo shaqaysay ayuu qaarna ku caayi jiray qaarna kula saaxiibay oo sifiican caqligiisa ugu shaqaystay taabedelkeedana waxaa laaluush ka helay lacag badan waxaa uu magac dil kusameeyay rag iyo dumar badan oo danta gaarka ah ka dor biday danta guud ee qaran balse arimahaasi waxa ay soo shaac baxeen markii uu borobagaandooyin ka dhan ah wasiirkii hore ee Maaliyadda uu ka baahiyay . warbaahinta muniir waxa ay noqotay godob bahallo galeena oo loo adeegsado cid walba oo ka asturan dhinaca hiyiga iyo hayntaba oo han siyaasadeed leh wixii intaas ka danbeeyay muniir waxaa uu noqday garab ku daaq,  Cabdi casiis Samaale waxaa uu markaas ahaa wasiirka maaliyadda balse muniir cadaw kama dhigan, in badan ayuu sabbaaray oo ka codsaday in uu ilaaliyo sharafta iyo haybadda madaxda qaranka Hadalkaas muniir uma dhegtaagin balse cabdicasiis Samaale kagama hadhin intaas , burco ayay markale isugu yimaadeen Muniir axmed cigaal iyo wasiir abdicasiis Samaale , malkale ayuu cabdicasiis waydiistay in uu aflagaadada iyo dacaayadda raqiiska ah uu ka dhaafo oo iska amaan geliyo xattaa waxa uu kamaray xagga diinta oo wuu iska abhiyay muniir uma bixin oo wuu ka dhego adaygay,  Wasiirkii isaga oo caqliga iyo damiirkiisa tijaabinaya ayuu kuyidhi haddaan lacag baad ah ku siiyo ma idaynaysaa oo baddayda maka baxaysaa Hadalkaas wixii kadanbeeyay muniir wuu la baayactamay cabdicasiis samaale , waxaanuu ogolaaday in amaan geliyo warbaahintiisana aanu dib ugu caayi doonin , hargaysa ayuu lagu balamay , lacag 10,000 $ ayuu ubalan qaaday in uu siiyo oo jeebjiisa ah maadaama oo naftiisa uu uga taagiwaayay.  Hargaysa intaan la isla gaadhin ayaa xilkii wasaaradda maaliydda laga bedelay Samaale waxa waxaa loo bedelay wasaaradda waxbarashada Wasiir Cabdicasiis kadib wuu is casilay xilkiina wuu wareejiyay waxuu noqday nin shicib ah oo hargaysa degen oo jooga waxa la filayay oo xatta cabdi casiis filayay in uu wiilku iskaga hadhyo maadaama oo uu shaqdii ka tegey balse Muniir Axmed Cigaal oo awalba colaaddiisu ka soo jeedday dano gaar ahaaneed iyo gurrac lacag ku doon, ayaa dhawr jeer oo is xiga badhtamaha hargaysa iyo hoteelka maansoor kaladhka ku qabsaday oo ku yidhi samaaloow ama lacagtii keen ama dagaal hor leh iga filo hadda goobta waxaasi ka dhacayaan waa mahwi laga buuxo lknse cabdi casiis ayaa yidhi oo gobonimo ku gudoontay oo iska siiyay 10,000$ oo dolor waxaana uu goobtaas kayidhi oo muniir kusii macasalaameeyay meeriska mida gabaygii dallaayad oo ahaa Ma gilgilo duqaytida ninkii uu ka soo go’aye  Guud ahaan ma noqon weligii xirfad yahan waxaa muuqata in uu guniimo kaga baxay mihnada sumcadda iyo sharafta laga dhaxlo ee saxaafadda.  Guntii Iyo gebegabadii Waxaan Uga dan leenahay sheekadan xaqiiqada ah ee dhexmartay Ex-wasiir Samaale iyo Muniir (Ex-Maraqle) in ay ahayd mid aan la ilaawin, waxaanu sidaasoo oo kale muniir uu lacag badan uga doonayaa inay siiyaan wasiirada uu maalin walba afkiisa ku caayayo isla markaana waxyaabo aan jirin iyo dacaayado mala awaala samaysanayo , waxaana hubaala hadii muniir loo carabaabo qadar dhaameel lacageeda inuu beenta iska dhaafayo.  Aduunyada Nin Noolow Maxaa Aragti kuu Laaban  Qalinkii Xabiib Cige Xassan.

thumb