Maxamed Kaahin Axmed Waa Halyey Qaran,Waa Buur La Hoos Galo Maalinta Ay Adagtahay Marka aad maqasho magacan , kor ku xussan waxaad si fudud u garanaysaa cidda laga hadlayo, iyo sifaha ay leedahay , waxaa kaloo meesha aan maqnayn miisaanka iyo culayska uu magacani xambaarsan yahay. Waxaa hortaada imanaya, taariikh dheer, oo ku beeganaa xilli adag- oo dadka iyo dalka somaliland oo marray- waxaa madaxaaga ku soo ururaya- fikir iyo dhacdooyin qalafsan oo soo waajahay umaddan somaliland.   Markaad , intaa ka gudubto- waxaa xusid muddan inay jireen rag iyo dumar ilaa maantan aan ka bixin quluubta shacabka somaliland- dadkasi waxay u kala baxaan laba qaybood oo aad ukala , duwan oo qola walba si gaar ah loo xasuusto. Qaybata hore waa qayb lagu xasuusto halgan dhiig iyo dheecan ay u hureen dadkooda waxaa loogu yeedhaa naftii hurre , iyo wax alla iyo wixii qof bani aadam ah ku qaalisan , waxaa loogi yeedhaa halgamayal iyo mujaahidiin qarran- waxaanay tariikhda kaga qorran yihiin baal dahab ah oo aan duugoobayn abid, mohamed kaahin wuxuu ka mid yahay qaybatan, waxaa kaloo jirra in badan oo aan maanta noolayn una shahiiday difaaca dadkooda iyo dalkooda wxaan leenahay dhiilkii janada caanaha ku dhama.  Qaybta labaad waa kuwo bulshada ka mid ah- waxaanay ku sifaysan yihiin wax marayaal , lagu qasaaray oo gabay, kaalintii ay bulshadan ku lahaayeen -marka runta la sheegana dalka iyo dadkaba halis ku ah, waana kuwa dhabar jebbinta ku haya – doontista shacabka somaliland waa kuwa aaminsan mabda a somali weynta, waa kuwa hadda looga baqayo inay khalkhal geliyan amaanka iyo nolosha ay shacabka somaliland maanta ku naaloonayaan- waa kuwa si aan gabasho u lahayn ku ololaynaya looma baahna , askar looma baahna halgayaasha, ay ka mid ka yihiin muuse biixi iyo mahamed kahin hadihuma allahu.waa kuwa mabda laawayasha ah, waa kuwa sida jirjiroolaha maalinba midab yeesha waa kuwa meel walba ka yidhaahda somaliland waa dhallanteed- waa kuwa dalqadda qax ka maqla, waa kuwa ku gabanaya qabiilka iyo qabyaaladda- waana kuwa maalin aan fogeyn xamar ku noqon doona.    Hadaba haddii ,aanu nahay shacabka xalaasha ah ee jecel, dadkooda iyo dalkoda, marnaba meel wada dhigi mayno- halgama yaasha dalkan, iyo caada qaatayaasha muqdisho u shaqeeya- kuna foogan si ay meesha uga saari lahaayeen halgankii iyo halhayashii dadkani iyo dakani lahaa.