Hargeysa (RSN) Taliska ciidanka Booliska Somaliland, ayaa heegan buuxa waxa uu geliyay ciidamada Booliska, si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee deeganada Somaliland, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska.Taliska booliska somaliland 2016
Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inaysan jirin wax dheeraad ah, balse muhiimada ay tahay in ciidamada Booliska Somaliland ay sii laba jibaaraan xaqiijinta ammaanka Magaalooyinka.
Taliye Fadal Iimaan, ayaa wuxuu sheegay hadii ay tahay dhalinyarada isku dayda sameynta falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka in ciidamada Booliska laga doonaayo inay gacan bir ah ku qabtaan.
Waxa uu faray dhamaan ciidamada kala duwan ee Booliska Somaliland ee ku sugan Gobolada inay adkeeyaan ammaanka iyaga oo gudanaya waajibaadka ka saaran Qaranka.
“Ma’ahan wax saa’id ah waa howlaha Qaranka iyo Bulshada reer Somaliland waa howlaha aan ugu igmanahay, waana arin noo caado ah inaan xoojino howlgalada, hadii ay tahay dhalinyarada amniga qalqalgelinaya, dhamaan Ciidamada Booliska waxa ay ku amran yihiin inay sare u qaadan xaqiijinta ammaanka.” Ayuu yiri Taliye Fadal Iimaan.
Ciidamada Booliska Somaliland oo sugga ammaanka Magaalooyinka, ayaa sii laba jibaaray shaqada la xidhiidhta xaqiijinta amniga.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka