Ex,Maareeye Ku Xigeenkii Hore Ee Wakaalada Biyaha Burco Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Yahay Murashax U Taagan Golaha Wakiilada Somaliland Xigeenkii Hore Ee Wakaalada Biyaha Burco Oo Ka Sanqadhiyay Inuu Utaagan Yahey Murashaxa Golaha Wakiilada Ee Gobolka Saraar.  Ex Maareeye Ku Xigeenkii Hore Ee Wakaalada Biyaha Burco Aqoonyahan Faarax Cali Yuusuf Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu U Taagan Yahay Doorashada Golaha Wakiilada Ee Gobolka Saraar.  Murashax Faarax Cali Yuusuf Ayaa Ka Mid ahaa Halgamayaashi Dib U Xoreeyey Dalka Somaliland Waxaana Uu Faarax Kaalmo Muhiim ah Ku Lahaa Horumarinta Bulshada Iyo Ka Shaqaynta Arrimaha Danta U Ah Dadka Iyo Dalka Isaga Oo Waqtigii Uu Ka Shaqaynayey Wakaalada Biyaha Burco Lagu Bartay Shaqo Wanaag Iyo Maamul Ku Dhisnaa Cadaalad Iyo Daryeelka Bulshada.     Aqoonyahankan Ayaan Isagu Ahayn Mid Iskii Isugu Cumaamaday Jagada Murashaxnimo Ee Xiligan Uu Isu Soo Taagay Balse Waxa U Gartay Inuu Baarlamaanka Uga Qaybgalo Beelweynta Uu Ka Soo Jeedo Iyo Guud ahaan Shacabka Reer Saraar Iyo Togdheer Oo Faarax U Arkayn Indhihi Waqtigan Hagi Lahaa Dadka Iyo Dalka Loona Baahan Yahay In Dad Noocan Oo Kale Ah Ay U Tartamaan Doorashada Golaha Baarlamaanka. Murahax Faarax Cali Ayaa Ah Shaqsi Lagu Aamini Karo Hagida Iyo Himilada Fog Ee Qarankani Leeyahay Waxaana Taasi Ka Markhaati ah Intii Uu Ku Dhexjiray Bulshada Oo Aan Lagu Arag Ceeb Cid Jeclaysi Iyo Cadaaladxumo.

thumb