2010-kii Loolan Iyo Is-Hirdankii Adkaa Ee Ka Dhaxeeyay Xisbiyada Qaranka Ee Ku Jiray Olalaha Doorashada Madaxtooyada, Xisbiga Kulmiye Oo Uu Musharax Ka Ahaa Madaxweynaha Hada Talada Dalka Hayaa Waxa Uu Lahaa Qorshe Siyaasadeed Qoran Oo Ku Saleysan Waxqabadkiisa Hadii Uu Doorashada Ku Guulaysto.  Waxaanu Geed Dheer Iyo Mid Gaaban ba U Fuulay Oo Guri,Goob, Iyo Gole Kastaba Goor Iyo Aleyl Shacabka Ugu Gacan Haadinayey Sidii Uu Ugu Qancin Lahaa Qorshahiisa Siyaasadeed Ee Ku Wajahan Doorashada.  Waana Sababta Keliya Ee Shacabku 50% Ugu Codeeyen Xisbiga Kulmiye Ee Uu Kaga Guulaystay Xisbiyadii Kale La Tartamaayey ( Udub & Ucid ). Hadaba Maanta Iyadoo Ay Doorashadii Ka Hadhay Wakhti Kooban Waxii Gaadha Insha Allah Xisbiga Kulmiye Malaha Qorshe Siyaasadeed Qoran Oo Uu Ku Hanto Quluubta Shacabka Uu Martida U Yahay.  Taageero Iyo Codna Ku Heli Maayo Waxaanu Nahay Xisbul Xaakimkii Wadanka Oo Waxaanu Qabaney Waxa Iyo Waxa! , Oo Xukumadii Madaxweyne Daahir Riyaale Ee Xisbiga Udub Ayaa Waxba Ku Weyday Arinka.  Waayo Waxii La Qabtay Ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye Ka Dhalatay Ay Qabatay Waa Waxay Hore Bulshada Ugu Balan Qaaday Oo Ay Olole Hore Kusoo Gashay Oo Ay Tidhi :-Waxaasanu Qabaneynaa Hadii Aad Bulshooy Na Dooratan.  Sidaa Darteed Inkastoo Aanay Lahayn Xisbiyada Kale-ba Oo Arinku Yahay Ha Lay Doorto Uun! Waxaanu Leenahay Xoolaha Umadda Iyo Waxqabadka Xukuumada M/Silaanyo Sahay Iyo Saanad Doorasho Midna Uma Noqonaayo Muuse Biixi Iyo Xulafadiisa Ee Hala Yimaadan Qorshe Cusub Oo Lagu Doorto. Hadii Kale Ha Fishaan In Ay Ku Dhici Karto Sidii Ku Dhacday Xukuumadii Xisbiga Udub Doorashadii Kal Hore.  Qalinkii Iyo Fikradii :- Moh’ed Sahardid Moh’ed ( Bilal ) Facebook Moh’ed Bilal